Wasiirka Maaliyadda XFS “Canshuur bixintu waxay kaalin ka qaadataa iskaashiga ganacsatada iyo dowladda”

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iiman Cige ayaa sheegay in canshuur bixintu ay kaalin ka qaadato iskaashiga ganacsatada iyo dowladda si loo gaaro horumar guud.”

Wasiirka Maaliyadda XFS “Canshuur bixintu waxay kaalin ka qaadataa iskaashiga ganacsatada iyo dowladda si loo gaaro horumar guud.”.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlayay Madasha Magan Forum, taas oo lagu sahminayo iskaashi maalgashi dhexmara hay’daha dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa intaa ku daray in lasoo dhameystiray, isla markaana ay golaha Xukumaddu meel-mariyeen sharciga Iskaashiga dhaqaalaha hay’adaha dowaldda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP).

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladdu qorsheeyneyso horumarinta adeegga Dadweynaha, isagoo si gaar ah u tilmaamay in ay Dowladdu dhawaan maalgalin doonto Adeegga Korontada Maagaalada Muqdisho oo uu sheegay in loo qorsheeyay in ka badan Boqol Milyan oo Dollar, si hoos loogu dhimo qiimaha Shacabku ku bixiyaan Korontada sidoo kale Maalgalinta adeegga Isgaarsiinta oo uu sheegay in loo qorsheynayo ku dhawaad Konton Milyan oo Dollar.