Wasiirka maaliyadda oo Nairobi uga qaybgalay bandhigga warbixin maaliyadeedka Soomaaliya

Nairobi: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC) ayaa maanta Magaalada Nairobi uga qeyb galay bandhigga ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐’๐š๐ง๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ee ay soo diyaariyeen Guddiga FGC oo uu guddomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabahaysay ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay Warbixintaan oo muujinaysa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dakhliga gudaha iyo hufnaanta maamul ee ilaha dhaqaalaha oo isbaddal muuqda lagu sameeyay.

Sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u goโ€™an tahay sii wadidda ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ku saleysan maamul wanaag si loo dhiirigaliyo sare u qaadidda kobaca dhaqaalaha iyo abuuridda fursadaha lagu horumarinayo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka soo bandhigidda Warbixinta Maamul-Wanaagga Maaliyadda Soomaaliya ee 2024-ka oo lagu qabtay xarunta Bangiga Adduunka ee Magaalada Nairobi, waxaa goobjoog ahaa dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka sida joogtadaha uga la shaqeeya Dowladda Soomaaliya arrimaha Maaliyadda.

ย ย ย ย ย ย