Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka oo ka dhacay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxa uu Wasiir Bayle oo ka hadlaya yiri:-

“Waxa aan ka wadahadlanay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, sidoo kale waxa aan uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo horumar Soomaaliya. Turkigu waxa uu sii xoojinayaa xiriirka Saaxiibnimada Soomaaliya, Taageeradiisa Maaliyadeed iyo Horumarinta xirfadlayaasha dalkeena.”