Wasiirka maaliyadda oo la kulmay madax ka tirsan Mareynkanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur ayaa shir muhiim ah la qaatay masuuliyiinta sare ee maaliyadda dalka Mareykanka, Sida Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka dhinaca Afrika iyo Bariga Dhexe Eric Meyer iyo Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka arrimaha caalamka iyo ka hortagga qataraha maaliyadda Anna_Morris.

Wasiirka iyo mas’uuliyaddan ayaa ka wada hadlay hannaanka toosan ee dib-u-habeynta maaliyadda ee ay dowladdu dadaal xooggan u gashay sidii looga miro-dhalin lahaa oo dowladda meel wanaagsan ay ka gaartay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay hufidda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.