Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Xarunta bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay kulan uu kula yeeshay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Wada-hadalkii ay yeesheen labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maadaama uu dhisay xarumaha ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ee lagu uruuriyo cashuuraha dalka.
” Waxa aan maanta booqasho ku tagay Xarunta Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ee magaalada Nairobi, halkaas oo aan shir wax-ku-ool ah kula yeeshay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Waxa aan wada-hadal keennii diiradda ku saarnay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu nala garab taagan yahay. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maadaama uu innoo dhisay xarumaha ugu muhiimsan ee cashuuraha dalka.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS