Wasiirka maaliyada dalka itoobiya Ahmed shide ayaa sheegay in wax ka yar isbuuc lagu soo afjarayo dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.
Ahmed shide oo wareysi siiyay telefishinka France24 ayaa tilmaamay in ciidanka dowlada itoobiya ay qabsadeen inta badan gobalka Tigray ayna u dhimantahay magaalada xarunta ah ee Mekelle.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyada oo shalay ra’isulwasaaraha itoobiya uu shaaciyay in la galay wajigii ugu danbeeyay ee dagaalka ka dhanka ah TPLF.
Ciidanka itoobiya ayaa ku sii siqaya dhanka magaalada Mekelle waxaana waxaana ay joogaan iminka duleedka Adigrat meel Mekelle u jirta 90KM.
Dad badan ayaa la sheegay in ay qaxayaan magaalooyinka u dhaxeeya Adigrat iyo Mekelle.
Magaalada taariiqiga ah Negashe oo ah halkaas oo ay ku aasanyihiin boqor Negaashe iyo qaar ka mid ah saxaabadii rasuulka ayaa ka mid ah deeganada dadku ka qaxeen.