Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay madax ka socotay Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Mr. Hideki Matsunaga.

Dhinacyadaasi waxaa mudadi uu socday kulankooda ay kaga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Bankiga Adduunka.

Kullankaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka laga sameeyey Mashruuca Badmaal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha kalluumeysiga, dib-u-habaynta shuruucda la xiriirta kalluumeysiga, iyo awood-siinta dhalinyarada iyo haweenka ku hawlan kalluumaysiga dalka.

Wasiirka iyo Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya waxa ay wadahadal kadib isku raaceen in la sii wado wadashaqaynta wanaagsan ee u dhexeeysa labada dhinac.

Muddo sanad ah waxaa dalka ka socda mashruuc xagga kalluumeysiga ah oo ay taageerayaan Bangigga Adduunka,kaas oo ay si weyn uga faa’iideysteen bulshada kalluumeysatada ee Soomaaliyeed.