Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa ka qaybgalay shir doceed lagu qabtay intii uu socday Shirweynaha 11-aad ee Badaha kana dhacay magaalada Bombasa ee dalka Kenya, kaas oo ay soo qabanqaabisay UNESCO.
Shirkan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta sayniska, cilmi-baarista iyo aqoonta la xiriirta badaha, waxaana ka qaybgalay wafuud heer wasiir ah, madax ka socotay Midowga Afrika iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha badaha.
Intii uu socday kulanka, waxaa la soo saaray baaq wadajir ah oo ka kooban toddobo qodob, kaas oo dowladuhu ku ballanqaadeen inay xoojiyaan siyaasadaha taageeraya sayniska iyo aqoonta badda, isla markaana ay ilaaliyaan madaxbannaanida aqoonta iyo cilmi-baarista la xiriirta badaha. Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa munaasabaddaasi ku saxiixay baaqa wadajirka ah ee Afrika, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta cilmi-baarista badaha, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda si waara. Waxaa la filayaa in shirkan uu door muhiim ah ka qaato joogtaynta iyo ballaarinta isweydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo khibradaha sayniska ee la xiriira badaha, kuwaas oo sare u qaadi doona iskaashiga iyo wadaagga xogta ee dalalka Afrika. Shirka waxaa wasiirka kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe, Safiirka JFS ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo khubaro kale oo ka socotay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.

