Wasiirka Kalluumaysiga Oo Kulan La Qaatay guddiga Khayraadka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare.

Kulankan, ayaa guddiga lagula wadaagay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin qorshe howleedka sanadlaha ah ee Wasaraadda iyo Qorshaha Wasaaradda uga degan hagaajinta xiriika Dowlad Goboleedyada iyo warbixin ku saabsan Khayraadka Badda.

Wasaaradda kalluumeysiga ayaa qeyb ka ah Wasaaradaha looga fadhiyo inay ugu faa’iideeyaan Bulshada Nimcada ceegaagto dalkooda.