Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo kulan doceedyo la qaatay qaar kamid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ) oo ka qeybgalaya Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee ka socday dalalka Afrika.

Ugu horeyn Wasiirka ayaa la kulmay Wasiirada Isgaarsiinta ee dalalka Sambia Iyo Burundi, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo suurtagalnimada in la gaaro hishiishyo is afgarad oo u dhaxeeya dalalka iyo sidii loo kala faaโ€™iideysan karo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Shirkadaha ka shaqeeya Teknolojiyada oo danaynaya maalgashiga, waxa ayna soo dhaweeyeen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Wasiirka Isgaarsiinta ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada uu la kulmay uu la wadaagay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka shuruucda iyo hormarinta Dhijitaalka oo dadaal badan lagu bixiyey.