Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka heer wasiir ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Bulshada Macluumaadka (World Summit on the Information Society).
Wasiir Maxamed Soomaali wuxuu si gaar ah uga hadlay shirkaan, ansixinta Siyaasadda Qaran ee Isu-dheellitirka Dhijitaalka, hirgelinta Siyaasadda Dowladda Dhijitaalka ah oo muwaaddin kasta ku heli karo adeegyada dowladda si dhijitaal ammaan ah, kuna baxaya AF-Soomaali.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka mid noqoshada bulshada dhijitaalka caalamiga ah, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay ITU iyo dowladaha ka qeybgalay shirkan, waxana uu adkeeyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in ay la jaanqaaddo isbeddelka dhijitaalka ah ee caalamka.