Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda 𝗨𝗡𝗢𝗣𝗦 oo uu horkacayey Ala’a Nemer, oo ah Agaasimaha Guud UNOPS ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista iskaaashiga wadajirka ah ee Wasaaradda iyo UNOPS.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay barnaamijyada socda ee dhijitaalka iyo baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services), Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhanka maareynta xogaha, isku xirka adeegyada dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeeg bixinta.
Wafdiga UNOPS ayaa soo bandhigay fursado lagu taageerayo mashaariicda Wasaaradda ee la xiriira dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dhijitaalka, iyo tababarrada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda ee ku shaqeeya dhanka ICT-da.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyay UNOPS garab istaagga Wasaaradda, isaga oo xusay in Wasaaradda ay ka go’an tahay inay si buuxda u hirgeliso adeegyo dhijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hay’adaha kala duwan.
Ugu dambeynt, Wasiirka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda la xiriira teknolojiyadda, isgaarsiinta, iyo maamulka dhijitaalka, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iideeya tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada bulshada.