Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay martigeliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.

Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel isugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyadoo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan. Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.

Md. Mustafa Yaasiin, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taas oo si xawli ah u kordheysa. “Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dhagaxdhigay xarunta ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan. “Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka. Waxayna muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.”