Wasiirka Howlaha Guud XFS oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka cusub ee Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Mudane Charles King.

Kulankaan oo ahaa mid isugu jira soo dhoweyn rasmi ah iyo wadatashi qoto dheer ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha ay labada dowladood iska kaashan karaan, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo ballanqaad ku aaddan horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal, iyadoo la isla qaatay in si dhow loo sii ambaqaado wadashaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fogba.