Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guryeynta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay oo ay wehlinayaan qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo ku xigeenkiisa Mrs Sophie Kemkhadze.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga shaqo ee wasaaradda howlaha guud iyo Hay’adda UNDP, kor u qaadida dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo xiligan UNDP gacan weyn ka geysaneyso iyo sidii UNDP ay uga taageeri laheyd wasaaradda sharciyada dhismaha dalka, tabarada iyo tayeynta shaqaalaha wasaaradda.

Wasiir Cabdisalaan Cali oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageerada UNDP ee Soomaaliya iyo howlaha ay dalka ka hayaan, wuxuuna uga mahad celiyey wadashaqeynta gaarka ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda howlaha guud iyo kulankooda maanta.