Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya jordan

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Dalka Jordan uga qeyb galaya Kalfadhiga afaraad ee Madasha Wasiirada Carabta ee Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, (AMFHUD) oo ka furmay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Kal-fadhi oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga doodi doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee Carabta ee dhinaca guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jirto Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ka hadlay kulanka ayaa sheeegay in muddooyinkii Wuxuuna xusay inay ka Dowlad ahaan dadaal ugu jiraan sidii dhismayaal casri ah dalka looga hergalin lahaa, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada Asaasiga ah.

Ugu dabeyntii, Wasiirka ayaa u mahadceliayay dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ee ka soo qeybgalay shirweynahan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka oo ku amaanay doorkiisa ku aadan maalgelinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin fir fircoon ka tahay.