Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo kulan la qaatay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann.

Wasiir Ismaaciil iyo safiirka ayaa kawada hadlay qodobo ay ka mid yihiin dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Midowga Yurub ee mashaariicda dhismaha ee ay waddo wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS.