Wasiirka hawlaha guud oo ka qaybgalay shir ku saabsan fulinta qorshaha isbedelka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qayb galay shir lagu dar-dargalinayo fulinta qorshaha isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa qayb ka ah laba tiir oo waawayn, muhiimna u ah dalka.

a) Tiirka dhaqaalaha.

b) Tiirka Arimaha Bulshada.

Waxa ay masuuliyiintii ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay ku soobandhigeen madasha shirka qorsha kaga aaddan dhismaha Waddooyinka, Horumarinta Magaalooyinka iyo Guryo qiimo jaban oo loo dhisayo shaqaalaha dowladda.

Dhammaan hawlahan ayaa la rajaynayaa in la fuliyo shanta sano ee uu socdo Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).