Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay Ururrada Haweenka ee heer Qaran iyo heer Bulsho

Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka qeybgashay kulan looga hadlaayey sharciga haweenka,caruurta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta SWDC ee Magaalada Muqdisho ,waxaa ka qeybgalay ururada  Bulshada rayidka ah iyo Ururada Haweenka Qaranka,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay ilaalinta shuruucda caalamiga ah ee khuseeya dhanka xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulankasi ayaa sheegtay in sharciyadaan Laga talagalin doono heyadaha ay kjuseeyaan,isla markaana loo gudbin  doono culumada iyo dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Ururka SWDC  Sahro Maxamed Axmed,ayaa ka warbixisay ahmiyadda sharcgan uuu u leeyahay bulshada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay taabagalinta sharciyada la xiriira haweenka,caruurta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.