Wasiirka Haweenka oo ku wareejisay Carruurta Agoonta Dr Kadare Qalab la iskaga difaaco cudurka Covid-19

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo  Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed, ayaa maanta maamulka xarunta carruurta Agoonta ee Dr Kadare ku wareejisay qalab la isaga difaaco cudur safmar ah ee Covid-19 oo ay kamid yihiin waji xirka (Face Mask) iyo dareeriyaasha jeermis dilaha ah (hand sanitizers).

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Haweenka oo ay kamid tahay, agaasimaha waaxda xiriirka iyo abaabulka Nadiifa Cabdi Diirshe, ayaa qalabka ku wareejiyay maamulka xarunta.

Shalay ayaa sidan oo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka mudane Isaaq Xaashi Jimcaale, waxaa uu qalabka loogaga hortago cudurka covid-19 ku wareejiyay maamulka Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Maxamuud Mire ee degmada Waaberi.