Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN WOMAN

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN WOMAN oo ay hogaaminaysay Dr Rukaya Maxamed oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dr Rukaya Maxamed oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulanka ka hadashay ayaa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya uga mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana ay ballan qaaday inay laba jibaari doonaan wadashaqeynta UN WOMAN iyo Wasaaradda Qoyska.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa soo dhaweysay maamulaha cusub ayadoo la wadaagtay hawlaha hortebinta leh ee horyaala Wasaaradda iyo qorshayaasheeda.