Wasiirka Haweenka ee XFS oo qaabishay ergayga gaarka ah ee dawladda Norway ee Soomaaliya + (SAWIRRO).

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo ku xigeenka wasiirka Marwo Xiis Xassan ayaa xafiiska ku qaabilay marwo Heidi Elburgi johansen oo ah ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayso.

“Waxaan xafiiskeyga ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya marwo Heidi Elburgi johansen iyo wafdi ay hogaaminayso waxaana kawada hadalnay xoojinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweenka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ammaantay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo taageerada dawladda norway ay siinayso xoojinta xuquuqda aadanaha iyo ka qayb galka haweenka ee siyaasadda.