Wasiirka Gashaandhigga oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso ayaa yiri “Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hoggaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso. Waxaanna kawada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika. Waxaan uga mahadceliyey dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud. Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.