Wasiirka Ganacsiga XJFS oo Kulan la qaatay Dhiggiisa Dalka Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo Booqasho ku jooga Dalka Qatar ayaa Kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani.

Intii uu kulanku socday, Labada Wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen Heerka Xiriirka Ganacsi, Maalgashi iyo Warshadeed ee u dhexeeya Labada Dal, iyagoo isla gartay Baahida loo qabo in la sii xoojiyo Iskaashigaas loona Horumariyo Fursadaha Wadajirka ah.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallo Ballaaran oo lagu Hormarinayo Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi ee u Dhexeeya Labada Dowladdooda ee Soomaaliya iyo Qatar.