Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo dhiiri-gelinta Maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo Istaraatjiyadaha lagu horumarinayo Maalgashiga.
Kulanka wasiirada oo ay ku wehliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna guddoomiyaha Guddiga Maalgashiga Shisheeye Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo Agaasimaha waaxda Dhiiri-gelinta Maalgashiga ee wasaaradda Qorsheynta Maxamed Dhuboow, ayaa waxay labada dhinac ba isla-garteen in labada Wasaaraddooda ba ay si wada-jir ah uga wada-shaqeeyaan Shir-weynaha Caalamiga ah ee Maal-gashiga Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona Muqdisho kaas oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.
Wasiiradu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay aad u ballaaran yihiin fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo u baahan in ka dawlad ahaan loo waajaho si wada-jir ah si maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahu ba ay dalka uga sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn oo abuura ganacsiyo hor leh, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur inta ba, waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka.