Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qeybgalay xaflad lagu abbaalmariyay shirkado iyo hey’ado ganacsi

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka qeyb galay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ,taas oo lagu abbaalmariyay shirkado iyo hay’ado kale oo ku guuleystay xagga tayada ee allaabooyinka iyo badeecadaha laga isticmaalo dalka.

Xafladda abaalmarinta oo ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah maamulka Hey’adda Tayo-dhowr ,shirkado iyo hey’ado matalayey ganacsato iyo sidoo kale marti sharaf lagu casuumay munaasabaddaasi.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dhiirigaliyay shirkadaha iyo hey’adaha dadaalka ay ugu jiraan ka qeybqaadashada horumarka dalka ,wuxuuna codsaday in ay horay u wataan howlahooda ,isla markaana ay soo bandhigaan adeegyo leh tayo sare.

Xafladdaasi oo abbaalmarinno lagu siiyay qaar kamid ah shirkadaha iyo hey’adaha ganacsiga waxaa ka hadlay Xoghayaha hey’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed Guuleed Maxamed Rashiid iyo Agaasime ku xigeenka mac-hadka Qaranka Axmed Xasan Maxamed Black.