WASIIRKA GANACSIGA XFS OO BANGIYADA GANACSIGA EE DALKA KU AMRAY JOOJINTA LACAGAHA AY KOOXDA ARGAGIXISADA EE AL-SHBAAB KA QAADAAN BANGIYADA

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo ka duulaya xaaladda dagaal ee dalku galay, sidoo kale na fulinaya amarada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS ee la xidhiidha la dagaalanka kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay ganacsatada Bangiyada oo uu kala hadlay siddii kooxdaas argagaxisada ah ee Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo mid maaliyaddeed oo ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhex-mara Bangiyada dalka.

Wasiirku, wuxu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ba ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.