Wasiirka ganacsiga oo shirkadaha duullimaadyada ku amray inay joojiyaan la macaamilka Al-Shabaab

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulimaadyada ee ku bahaysan dalladda SATA oo uu ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab,

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay u hoggansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dawladda.

Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicaziz Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo baxay dhinaca Wasaaraddu in aanay ahayn kuwo ka noqosho leh isla-mar-ahaantaana uu ujeedkoodu yahay siddii xididada looggu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab.