Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada masuul ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, horumarinta warshadaha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa xusay in kulanka uu horseeday is-afgarad muhiim ah oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa ka qeybgalka ganacsatada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, si loo abuuro dhaqaale kobca, loona dhiso iskaashi waara oo ku dhisan dan-wadaag iyo horumar waara.
Sidoo kale, Wasiir Geesood ayaa carrabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Turkiga ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo Soomaaliya ka taageeray dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada. Waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo lagu saleynayo ixtiraam, is-kaashi dhab ah, iyo dan guud.