Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha CIPS, Mudane Wang Hongbo, CIPS waa nidaamka Shiinaha ee fududeeya isu-gudbinta iyo Xisaab-xirka Lacagaha Ganacsiga Caalamiga ah.
Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii Ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa bixinta iyo helitaanka Lacagaha Ganacsiga ay la leeyihiin Shiinaha, iyo Iskaashiga adeegsiga Lacagta Dalkaas ee Yuan-ka.
Kulanka, waxaa Wasiirka ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Cisman Cabdi, Ku-Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raiāisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisak Cali Ibrahim iyo Howlwadeenno kale, Kulammadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee fududeynta Ganacsiga Labada Dal iyo ballaarinta fursadaha wax-soo-saarka Soomaaliyeed uu ku gaari karo Suuqa Shiinaha.








