Wasiirka gaashaandhigga XfS oo shirgudoomiyey shirka wasiiradda gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah ciidanka heeganka Bariga Afrika

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah (EASF), kaas oo ay martigelineyso Dowladda Soomaaliya.

Kalfadhigan, oo galay maalintii lixaad, ayaa si nidaamsan u soo maray heerarkiisa kala duwan, iyadoo maalmaha hore ay kulamo gaar ah yeesheen Guddiga Khubarada iyo Guddiga Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee dalalka xubnaha ka ah EASF. Maanta, oo ah heerka ugu sarreeya ee shirka, ayay Wasiirrada Gaashaandhiggu ka shirayan qodobadii laga soo saaray kulamadii hore.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay doorka istiraatijiyadeed ee EASF ee qaadato ka hortagga colaadaha, xoojinta nabadda, xasilinta, iyo dib-u-dhiska colaadaha kadib, iyo sidoo kale wada shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu 3-dii Diseembar 2025 ansixiyay Xeerka Aasaaska EASF, taasoo muujinaysa go’aanka adag ee Soomaaliya ka qaadatay ka-qaybgalka amniga iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

Maalmihii shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amniga gobolka, hirgelinta go’aannadii hore, casharrada laga bartay dhoolatusyadii dhawaan dhacay, natiijooyinka hanti-dhowrka, iyo soo-jeedinta Qorshe-howleedka EASF ee 2025, Miisaaniyadda iyo Qorshe-howleedka 2026.

Gebagebadii, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa khudbadiisa ku boorriyay dalalka xubnaha ka ah EASF inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta, iyo isla-xisaabtanka, si Ciidanka Heeganka Afrikada Bari uu u noqdo hay’ad awood u leh ka jawaabidda caqabadaha amni ee gobolka, badbaadinta rayidka, xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan gobolka.