Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in dilka Horjooge Cabdulaahi Nadiir uu bilaaw u yahay in loo aaro shuhadadii ku baxay gacanta argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay dilka Horjooge sare Cabdulaahi Nadiir  oo argagixisada u ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda Al- shabaab                                                                                                                                                                                  Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa fecbooka ku yiri:-

“Waa loo aarayaa shuhadadeena inshalah

Dilka Cabdulaahi Nadiir oo ahaa madaxii hore ee dacwada hadana ahaa madaxa Jabahaadka iyo iskuduwaha dhamaan howlaha khawaarijta wuxuu bilow u yahay in loo aaro shuhadada uu ugu horeeyo Farxaan Maxamuud Aadan, Cilmi Hagar Guure iyo dhamaan Shuhadada Soomaaliyeed ee ku maqan gacmaha Khawaarijta”