Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo ku sugan dalka Suudaan ayaa la kulmay Madaxweynaha golaha sare ee siyaasadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Militaryga dalka Suudaan C/Fayaax Al-Burhaan
Kulankaasi oo ka dhacay Magaalada Khartuum,waxaa dhinacyadaasi ay iska soo qaadeeb xoojinta xiriirka labada dal iyo sida dowladda Suudaan ay gacan uga geysan karto la dagaalanka kooxaha nabad-ddidka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweyay,wuxuuna Madaxweynaha Suudaan u gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi Yaasiin Ibraahin Yaasiin iyo