Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay carruurta agoonta ah ee ay ka tageen geesiyaashii XDS

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan xogwaraysi ah la qaatay qaar ka mid ah carruurta agoonta ah ee ay ka tageen geesiyaashii XDS ee ku shahiiday difaaca dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa carruurta u ballanqaaday in si joogto ah looga warqabi doono, lana siin doono daryeel iyo taageero ku habboon.