Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Taliyaha Xoogga & Madaxda Wasaaradda

Wasiirka wasaaradda Gashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay howlwadeennada wasaaradaas oo ay ugu horeeyaan wasiiru dowlaha, wasiir ku xigeenka, Taliyaha ciidanka xoogga, Agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasime waaxeedyada iyo hoggaanada ciidanka.

Kulankaan ayaa ahaa isbarasho iyo dardargelin howlaha hortebinta u leh wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.