Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray Taliska Ciidanka Badda & Dekadda Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ay Wehliyeen Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Admiraal guuto Cabdixamiid Dirir iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer Shaqo waxay maanta ku tageen Xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda XFS ,halkaasi oo ay kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaraddaasi Marwo Maryan Aweys.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa dardar-galinta howlaha baaxadda leh Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday Waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Badda Admiraal guuto Cabdixamiid Dirir, Waxa uu Xusay in dib-u-habeyn iyo ballaaran lagu sameeyay Ciidanka Badda, isaggoo Xusay in ay wadaan qorshe weyn oo ay ku dardar-galinayaan howlaha Shaqo ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan xuseen Xaaji ayaa tilmamay in kulanka uu ahaa mid lagu  Xoojinayay howlaha Shaqo ee Ciidanka badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Masuulyiintaan ayaa kormeeray qeybo ka mid ah Dekadda Muqdisho iyo Xarumaha Cidanka Badda iyo ilaalinta Xeebaha, halkaas oo laga hago howlgalinta Ciidanka marka ay howlgaladda ka Sameynayaan Xeebaha Soomaaliya.

Wasaaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo Ciidamada Badda lagu horumarinaayo.