Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay furitaanka madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, taas oo ka dhacday Magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Madashan ayaa isu keenta wasiirrada gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, mas’uuliyiin sare iyo khubaro caalami ah, si looga wada hadlo arrimaha nabadda, amniga iyo difaaca, loona xoojiyo iskaashiga caalamiga ah.

Inta ay socoto madashu, waxaa sidoo kale qabsoomaysa Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga. Wasiirka ayaa madashan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya ee dhinacyada nabadda iyo amniga, dadaallada la-dagaallanka argagixisada iyo aragtida Soomaaliya ee iskaashiga amni ee Afrika iyo Shiinaha.

Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa fursad u ah soo bandhigidda horumarka dalka iyo xoojinta iskaashiga difaaca, tababarka iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyadoo taageerada saaxiibbada caalamiga ah la waafajinayo mudnaanta qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale yeelan doona kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo xoojinta xiriirka difaaca iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, si loo taageero dhismaha awoodaha difaaca qaranka iyo dadaallada amniga iyo xasilloonida dalka.