Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo Shir Jaraa’id qabtay, ayaa ka hadlay guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada iyo Horjoogayaashii lagu dilay hawlgalladaas.
Wasiirka ayaa sheegay in hawlgalladaas lagu dilay ku dhowaad 285 Xubnood iyo 12 Horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, isagoo xusay in Ciidamadu guulo waaweyn ka soo hooyeen hawlgalladaasi.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in hawlgalkii ka dhacay Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay lagu dilay Isaaq Aadan, oo ka mid ahaa Horjoogayaashii aasaasay Kooxda Khawaarijta, isla markaana dhibaato xooggan ku hayay Bulshada ku dhaqan Gobolka Baay.
Mukhtaar Qalin, oo Magaciisa afgarashada ahaa Tima-weyne, kana tirsanaa Horjoogayaasha Kooxda Khawaarijta ee dhinaca Isgaarsiinta, ayaa isaguna lagu dilay Deegaanka Daynuunaay. Sidoo kale, Xasan Dheere, oo ahaa Horjoogihii Gaadiidka Khawaarijta, ayaa lagu dilay isla hawlgalkaas.
Axmed Cabdulle (Ansari), oo ahaa Amiirka Katiibada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay Bariga Deegaanka Masaajid Cali Gaduud. Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in hawlgalladaas lagu dilay Horjoogayaal kale oo ka tirsanaa Kooxda.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyay Saaxiibbada Caalamka oo mar walba taageera Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan hawlgallada Cirka ah ee lagu bartilmaameedsado Argagixisada. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay Ciidamada, guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

