Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Brussels kaga qaybgalay kulan la xiriiray Amniga iyo Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay Madasha saddexaad ee Amniga iyo Difaaca Schuman ,taas oo muddo laba cisho ah ka socotay magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

Ka qaybgalka Wasiirka ee Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay Midowga Yurub iyo saaxiibbada caalamka,iyadoo Kulammada dhinacyadaasi diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga,  xaaladda amni ee gobolka iyo arrimo kale oo la xiriira iskaashiga amniga.

Wasiirka ayaa intii ay Madashu socotay kulammo la yeeshay David Cvach, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Difaaca ee Hay’adda Adeegga Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, iyo Patricia Llombart Cussac, oo hay’adda u qaabilsan arrimaha Afrika.

Madasha Schuman ayaa sanadkan  diiradda lagu saaray caqabadaha amni, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca, iyo sidii iskaashiga caalamiga ah loogu beddeli lahaa waxqabad la taaban karo oo wax looga qabanayo khataraha amni ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, iyada oo la dhowrayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan.

Wasiirka waxaa Madasha ku wehelinaysay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhida Boqortooyada Belgium, Boqortooyada Netherlands iyo Midowga Yurub, Danjire Khadiija Cosoble Cali.