Wasiirka gaashaandhigga “Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kuliyada tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu dhaariyey saraakiil loo diyaariyey Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.

“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Tabarada isdabajoogga ah ee lagu carbinayo ciidanka xoogga dalka ayaa qayb ka ah siyaasadda dowladda, si loo adkeeyo difaaca dalka.