Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Qadar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ,Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar, ahna wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan wasaaradaha difaaca ee labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa martiqaadka iyo soo dhaweynta Maamuuska sare leh ee naloo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, waxaana la filayaa inuu sii adkaado cilaaqaadka labada dal.