Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo Ciraaqi ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.

Wasiir Thaabit Al-Cabaasi ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga si heer sare ah, halka Wasiir Fiqi uu uga mahadceliyay martiqaadka, isagoo xusay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.