Muqdisho(WARGEYSKA DALKA);-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, iyadoo laga hadlay xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, awoodna u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.
Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka. Wasiir Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa isla qaatay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo ka qayb qaata nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.




