Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray degmada aadan yabaal.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan-yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

Dowlada Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixsada Al-Shabaab ee uu iclmaaiyay Madaxweeynaha JFS.