Wasiirka Gaashaandhigga oo xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb-galay Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maadey Nuur Sheekh Ufurow, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim, xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xaruntan cusub ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista awoodda luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah, isagoo ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ku xireysa bulshada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in xarunta loo aas-aasay si loo hormariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee howlwadeenada Wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee Wasaaradda, Ciidanka, iyo howlgallada amniga ee dalka.

Ugu dambayntii, Wasiir Fiqi wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, ayna kor u qaadaan aqoonta iyo xirfadaha luqadeed, si ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.