Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay Dowladdu waddo ee la-dagaallanka Argagixisada, xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada difaaca, iyo horumarinta Awoodda Hay’adaha Amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha garab-istaagga joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan taageerada Midnimada, Madaxbannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.





