Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya mudane Maxamed Al-Saciid Axmed, iyo U Qeybsamaha arrimaha Difaaca ee Safaaradda, Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Dowladda Masar ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, oo ay Masar ka mid tahay waddamada ka qeyb qaadanaya. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.