Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday qeybo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kula kulmay Shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo kormeeray xaaladda Amniga iyo horumarka laga sameeyay sugidda xasilloonida. Booqashadiisa ayaa muujinaysa dadaalka Dowladda ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay Bulshada iyo xaqiijinta Amniga guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa Shacabka ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee nabadeynta iyo la dagaallanka Argagixisada, isagoo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo khataraha Amni, isla markaana la sii xoojinayo wada shaqeynta u dhexeysa Shacabka iyo Ciidamada Qalabka sida si loo gaaro xasillooni waarta.