Wasiirka gaashaandhigga oo bogaadiyay howlgallada ay ciidanka xoogga iyo shacab iskaashana ka wadaan gobollo ka mid ah dalka

Wasiirka Gaashaandhiga XFS ayaa ciidanka xoogga dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.

“Marka hore Ilaahey baa mahad u sugnaatey marka labaadna CXDS, Shacabka deegaanka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka iyo shacab oo iskaashanaya ayaa maalmahanba howlgallo lagu ciribtirayo nabad-diidka Al-shabaab ka waday degaanno ka mida gobollada Mudug. Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoo dagaalladaasina jab xooggan lagu gaarsiiyay cadawga.

Geeshkayahoow guuleysta.”