Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Mareykanka kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidamada Danab

Wasiirka Gaashandhigga JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.

Wasaaradda Gaashandhigga JFS ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.